Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidamo u daacad ah Sheekh Axmed madoobe ayaa maanta ka dhacay degmada dhoobleey.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan isla markaana ay soo qaadeen Ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi weerarka ku soo qaadeen laba saldhig oo ciidamada Al-shabaab degmada dhoobleey ku lahaayeen.
Dadka ku dhaqan degmadaasi oo ka gaabsaday in Magacooda la soo xigto ayaa cadeeyay in ciidamada Sheekh Axmed Madoobe u suurta gashay in mudo kooban la wareegaan labada saldhig ay soo weerareen.
Khasaare aad u farabadan ayaa ka dhashay dagaalkaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Ilaa iyo ku dhawaad 10-ruux ayaa la sheegay in dagaalkaasi ku geeriyoodeen oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamayay halka tiro intaasi ka badana ku dhaawacmeen.
Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in mudo saacad ah kadib saldhigyadaasi isaga baxeen.
Ma jiraan war dagaalka la xiriira oo ka soo kala baxay Saraakiisha Al-shaabab iyo Kuwa Hogaamiya Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe.