Yaa yiri kursiga madaxnimo waa lagu nastaa?, laakiin waxaysan su’aal ka taagneyn in lagu xiiqo ku fariisigiisa, weeydiinta ugu muhiimsan ayaa ah “halgan dheer ka dib oo daal iyo gabow uu kula kulmey, Axmed Siilaanyo Haakaalah ma dhihi doonaa?”.
Ragii ay xilka kala wareegeen isaga iyo ku xigeenkiisa Seeylici ee kala ahaa Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin afkooda amaan iyo bogaadin iyo dardaaran ayaa ka baxayay xiligii ay socotey xaflada.
Wufuuda aduunka uga timid in ay goobjoog ka noqdaan xafladani waxay ka kala yimaadeen 3 dal oo kala ahaa Kenya, Djabouti iyo Ethiopia, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaaraa ayaa waftiga Kenya hogaaminayay.
Madaxweynaha cusub oo xaflada ka hadlay wuxuu balan qaaday in uu dadkiisa iyo dalkiisa si daacad ah ugu adeegayo, wuxuu u mahadceliyay dhamaan wadamadii ka qeybqaatey.
Walloow dhoolo cadayn iyo dhabar iska taabasho ay xafladii ku wada joogeen madaxdii hore iyo kuwa cusub, hadane bilaha soo socda ma noqon doonaan kuwa saaxiibo ah marka gudiga la xisaabtanka hantida qaranka ee uu Siilaanyo saarey ay shaqadooda gudagalaan iyo marka xisbiga Udub uu si rasmi ah u fariisto kuraasta mucaaradka isagoo u fiirsanaya gef kasta oo ka dhaca xukuumada Siilaanyo.
Tan iyo wixii ka dambeeyey 26dii Juun oo ay doorashada dhacday, waxaa jirrey wax lagu tilmaami karro boob iyo ku tagrifal hantida qaran ee gacanta ugu jirtey saraakiisha xukuumada dhacday.
Jihawareerka ugu weyn waxa uu Siilaanyo kasoo waajihi doonaa marka nin qof kasta oo isaga u codeeyey uu doono in uu badalo qof kasta oo horey uga shaqaynayay xafiis dowladeed sidii iyagoo ahaa shaqaalo xisbiga UDUB.
Caaadi ahaan marka laga soo tago xilalka siyaasadeed iyo kuwa amaanka ee sarsare, qof kasta oo dowlada xil u haya ma ahan mid ay wax ka quseyso isbadalka awoodeed ee dalka ka dhacay sababtoo ah ma ahayn nin xisbi u shaqaynayay ee dowlad ayuu u shaqaynayay.
Mashaakilaadka Siilaanyo horyaala waxaa ka mid ah xal u helista shaqaaqada Sool iyo Sanaag, laakiin si kasta oo uu isugu dayo in uu xal u helo waxaa caqabad ku noqon doona aragtida xidideysatay ee SSC iyo hogaanka dhaqanka dadka Sool iyo Sanaag ee ah Soomaaliweyn.
Guusha ugu weyn ee dadka Somaliland ka filan karaan in uu Siilaanyo soo hoyiyo ayaa ah in uu
Laakiin waa iska meeshaasi halka loo taaganyahay Siilaanyo iyo
Aqoonsiga Somaliland waa horta in ay iyada is aqoonsato, jinsada ay yihiin, deegaanka ay ku yaalaan, diinta ay heystaan, daris iyo ehal waxa ay leeyihiin, haddii laakiin aqoonsiga la raadinayo uu noqdo mid ku abtirsada taariikh gumeysi oo marin haboow ahayd.
Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku jiraa Soomaali inteeda kale oo haatan abaal ku qabta in
Somaliland waxay heeysataa fursad dahabi ah, sida uu qabo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhawaan u waramay barnaamijka Riz Khan ee AlJazeera English, Somaliland waxay haatan fursad u heeysataa in Hargeysana laga dhigo caasimada dalka, Axmed Siilaanyana uu noqdo madaxweynaha Somaliland sidaasina uu ku iman karo xalka Soomaaliya.
Xanta jirta ayaa ah in Siilaanyo uu u dabacsanyahay fikrada ah Soomaaliya, laakiin sidaasi oo ay tahay ma doonayo in uu ka xanaajiyo kuwa halka adag ee SNM usoo dagaalamay, iyo waliba jiilka cusub ee lagu aanqariyey nacaybka koonfurta
Si kasta oo ay ahaataba haddii uu Siilaanyo kursiga ka doonayay nasiibo waa u ku fadhiyaa caawo, in uu haakaalah yiraahdo waxay ku xirantahay in uu kabaha siinto haddiiba uu kanshadaasi u helo, haddiise uu kursiga ka doonayay isbadal wanaagsan keeno, ma jirto fursad ka haboon oo waligiis soo mari lahayd, sidoo kale markanina waa uu kabaha siibtaa si uu orod iyo rucle ugu gaaro danta guud, kolkaasi isaga iyo daal isma hurrana
Mudane Riyaale wuxuu qiray in xilku yahay mid adag oo shaqo badan u baahan isla markaana loo baahan yahay in dawlada cusub la garab is taago.Mudane Riyaale wuxuu aad ugu mahadnaqayn Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inuu ka dhaxlayo dawlad iyo qaran dhisan oo uu sheegay in loo baahan yahay in halkaa laga sii wado himilada lagu doonayo in wadankan aqoonsi calami ah logu raadinayo.
Mudane Riyaale wuxuu sheegay inuu wadamada jaarka ah la yeeshay xidhiidh sokeeye oo uu sheegay in xidhiidh kasta oo lala samamyanyo wadamada jaarka ah uu yahay furaha qadiyada Somaliland.
Wuxuuna mudane Riyaale ku soo gunaanaday in ul iyo diirkeed la noqdo mudnaantana la siiyo sidii layskugu duubnaan lahaa iyadoo dawlada cusub u baahan tahay in qofkasta garab ku siiyo sidii dawlada cusub u dardar galin lahayd hawlaha shaqda laga sugayo.