dawladaha mareykanka iyo Norway oo taageero siinaya dawladda soomaaliya

Dowladaha Mareykanka iyo Norwey ayaa balan qaad buuxa siiyay dowlada KMG ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne sheekh Shariif sheekh Axmed.

 

Wakiilo ka kala socda labadaasi dowladood oo ka qeyb galaya kulan madaxeedka 15-aad ee midowga Afrika ayaa goobta ka cadeeyay in dhaqaale ugu yaboohi doonaan dowlada Tabarta yar ee Soomaaliya.

 

Iyaga oo wakiilada xusay in dowlada ka taageeri doonaan dhanka tababarka ciidamada iyo bixinta dhaqaalo ay ku dhaq dhaqaaqdo dowlada KMG ah.

 

Waxaa ayna ku booriyeen Madaxda Afrika ee kulanka ka qeyb galaya in go'aano xal u keeni kara dhibka ka jira Soomaaliya soo saaraan.

 

"waxaan ku baaqayaa in madaxda afrika soo saraan go'aano soo afjara dhibka ka jira soomaaliya"ayuu yiri wakiil ka socday dowlada Mareykanka oo kulanka ka hadlay.

 

Si kastaba shirka Kambala ayaa u muuqanaya mid taageero aad u xoogan ay ku heshay dowlada KMG ah balse laga dhowrayo sida ay ku dhaqan galaan.