Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo wareegto kasoo saaray xafiiskiisa ku magacaabay Guddi ka shaqeeya wacyi gelinta dadweynaha reer Puntland.
Guddiga waxaa ay dadweynaha ka wacyi gelinayaan ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta Puntland,cid kasta duulaan ku ah nidaamkaas laga soo wada jeesto hal meel…",ayay tiri Caasho Geelle oo ah Guddoomiyaha guddigaan cusub.
Guddiga ayaa ka kooban ilaa sagaal xubnood oo ay ka mid yihiin;
Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska
Wasiirka degaanka iyo duurjoogta
Wasiir Kuxigeenka Amniga
Wasaaradda Arrimaha gudaha
Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta