khasaaraha dagaalka moqdisho oo kordhay

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo xalay ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho kuwaasi noo dhexmareyey ciidamada dawlada iyo Amisom oo isku dhinac ah & Xarakada Alshababul Mujaajidiin,waxaana dagaaladasi sababeen qasaare dhimasho & dhaawacba leh oo soo gaarey dad rayid ah.

 

Dagaalada xalay ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegaya inay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu guryahooda ugu tagey madfac habow ah inkastoo la sheegayo inuu dhaawac jiro inta uu leeg yahay aan tiro rasmi ah lahayn wali.

 

Saraakisha gaadiidka gurmadka deg deg ah wada ayaa sheegye inuu qasaaruhu intaasi ka si badan karo maadama ay jiraan xaafado la geli kari wayey xalay oo madaafiic badani ku soo hoobaneysey,waxaana sheegeen inay qaadeen xalay 12 ruux oo dhaawac ah.

 

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la sahalan karin marka la fiiriyo hubka ay labada dhinac isweydaarsanayaan,waxaana la sheegayaa in madaafiicda ugu badan ciidamada Amisom ku turaan goobaha rayidka .