Mo Farah oo Ku Guuleystey Billadda Dahabka ee Orodka 10,000m.

Farah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya isla markaana haysta dhalashada dalka Britian ayaa helay billadda dahabka ah ee orodka dheer 10,000m ee cayaaraha fudud ee horyaalka wadamada Yurub ee lagu qabtey magaalada Barcelona ee dalka Spian.

 

Mo Farah ayey ku qaadatay in uu ordo 10,000m waqti gaaraya 28 daqiiqo iy 24.99 ilbiriqsi.

Waa markii u horeysey ee dalka Britain uu ku guuleysto biladda dahabka ah ee orodka dheer 10.000m, waxaana guushaas u keenay wiilka asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya ee 27 jirka ah Mo Farah.