Xiriirka C/Fudud oo ka qeybgalaya ASAC 2010

iriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud ayaa ka qeybgalaya tartan dhallinta Afrika ee ciyaaraha fudud [17th African Senior Athletics Championships 2010] kaas oo ka dhacaya 28-ka Agoosto illaa 1 Oktoobar magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

 

 
Kusimaha  Guddoomiyaha  ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad XSCF Khadiijo Aadan Daahir ayaa warbaahinta ISBOORTI u xaqiijisay inay ka qeybagalayaan tartanka dhallinyarada Africa iyadoo sheegtay in xiriirkooda ay uga qeybagalayaan lix ciyaaryahan hal dhaqtarad iyo labo mas`uul iyada iyo xoghayaha guud ee XCF Faarax Cali Macalin oo isagu hore u gaaray Nairobi.
 
 
Kusimaha  Guddoomiyaha  XSCF Khadiijo Aadan Daahir ayaa sharaxaad ka bixisay ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee tartankaas ka qeybgalaya waxayna sheegtay in ku kala tartami doonaan C/naasir 5000m  ordaya  Cabdalla Weah 400m iyo 800m, Nuur 1500m, Cirdaye 1500m iyo Saamiyo oo ku ordaysa 1500m .
 
 
"Muddo labo bilood ayay ciyaaryahanadan xero ku jiraan waxay qaadanayeen tababaro iyo casharo garaadkooda lagu dhisayo, waxaana si weyn ugu dadaalnay caafimaadkooda jireed waxaana  la soconaya  caafimaadkooda inta tartankan uu socda Drs. Caasho Aadan Daahir.rajadeenu waa inaan guul kala soo laabano tartan." Ayay tiri Khadiijo Aadan Daahir.
 
 
Ugu danbayn, kusimaha Guddoomiyaha XSCF Khadiijo Aadan Daahir ayaa muujisay sida ay rajo wanaagsan ay uga qabto tartankan. waxayna shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan Nairobi ka codsatay inay ka soo qeygalaan tartankan oo ka dhacaysa  Nayayo National Stadium  isla markaasna taageero u muujiyaan ciyaaryahanada Soomaaliyeed.