Vidic oo la sheegay in uu si Joogayo Kooxda Man United

Xidiga uga Ciyaara dhanka daafaca Kooxda Manchestar United Nemanja Vidic ayaa sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta Kooxda Manchestar United uu sheegay in Vidic uu baaqi ku si ahaando doono kooxda mudo labo sano ah.

 

Gudoomiyaha Kooxda Manchestar United David Gill ayaa u sheegay TV-ga Kooxda in ay isku afgarteen xidigan in uu si joogi doono Kooxda mudo labo sano ah.

 

Vidic oo 28 Jir ah ayaan ilaa iyo iminka aan ka hadlin arrrinta ku saabsan heshiiska Cusub ee mudada labada sanada ah ay sheegeen mas’uuliyiinta Kooxda Manchester United.

 

Nemanja Vidic oo u dhashay Wadanka Serbia ayaa horey looga soo dalbaday Kooxda Real Madrid ee ka dhisan Wadanka Spian,iyadoo ku doonaysay qiima lacageed oo gaaraya 18 Milyan oo gini.

 

Daafacan oo Kooxda Manchestar United ee ka dhisan Wadan Ingiriiska ku soo biiray sanadii 2006 iyadoo lagu soo gatay 7 Milyan kaasi oo laga soo gatay Kooxda Spartak Moscow.