Cayaaraha xagaaga ee Eruo Som oo Finland ka furmay

Cayaaraha xagaaga ee Eruo Som ayaa si rasmi ah uga bilowdey caasimadda dalka Finland ee Helsinki, cayaarahan ayaa ah kuwo sanadkasta lagu qabto mid ka mid ah wadamada Yurub ee ay Soomaalidu degan tahay waxaana isku arka naadiyada kooxaha ka dhisan wadamada Yurub ee Jaaliyadaha Soomaalidu dhisteen, gaar ahaan wadamada la isku yiraahdo Nordic (Swden, Denmark, Finland iyo Norway) iyo weliba dalka Britain.

 

Xaflad oo si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday garoonka (Prahen Kenta) ee magaalda Helsinki ayaa waxaa lagu Furay aayadaha Quraanka kariimka oo uu halkaasi ka aqriyay Cabdifataax Yare kadibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha qabanqaabada ahna gudoomiyaha Ururka Kanava Cabdulqaadir Axmed Nuur "Hadaafow" kaasoo ka hadlay ahmiyada balaadhan ee uu ulee yahay dhalinyarada isu imaatinkan iyo cayaaraha isagoo umahad celiyay dhamaan ka soo qaybgalayaashii isagoo si gaara u amaan badan usoo jeediyey maamulka Eerosom iyo kooxaha kasoo qeyb galay tartankan.

 

Mr. Hadaafow ayaa sheegay in kooxaha iyo Maamulkooda ay kusoo dhawaadaan magaalada Helsinki isla markaana ay dhalinyarada ka shaqeeyaan sidii la isu dhex gali lahaa aqoontana la isu weydaarsan lahaa.

 

Waxaa isna lagu soo dhaweeyey Qunsulka dalka Ingiriiska ee Finland Mr. Philip kaasoo ka hadlay in dhamaan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka kala yimi qaarada Yurub inuu usamaynayo casho si ay isu dhexgalaan isuna bartaan.

 

Maxamed Diini Hilowle gudoomiyaha Ururka dhigaya ciyaarahan ee Eurosom ayaa hadalkii qaatay isagoo si kooban uga hadlay ulajeedooyinka ururka EUROSOM wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay isku xirmaan ciyaaraha ka dhacaya Gudaha Somaliya iyo dalalka Dibaddaha isagoo tibaaxay in ciyaarahan looga gol leeyahay in ay kasoo baxaan ciyaartooy matasha Qaranka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu Mr. Diini ku nuux nuuxsaday in aysan ku ekeyn oo qura in kubbadda la cayaaro balse loogu talo galay in la sameeyo aqoon karorsi maalmaha soo socda wuxuuna si kooban u yiri "waa inaad ka shaqeysaan nabadda iyo aqoonta" isagoo la dardaarmaya dhalinyarada kooxaha oo markaasi ku jiray safka koox walibana ay sidatay astaanteeda ugaarka ah.