Kooxda Real Madrid oo Doonaysa Xiddiga Kubada Cagta ee Maicon

 

Wargayska la yiraahdo "DEM" ee wax ka qora arrimaha Sports-ka ee ka soo baxa Wadanka Spain ayaa shalay oo arbaco ahayd qoray in Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ay soo bandhigtay lacag gaareysa 22 Million oo Euro si ay ugu soo gadato Ciyaaryahanka Maicon oo baalka middig uga ciyaara Kooxda Inter Milan ee ka dhisan Talyaaniga.

 

 

Tababaraha Cusub ee Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa si weyn baadi goob ugu jira Xiddigan u dhashay Wadanka Barzil Maicon balse gudoomiyaha Kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa ku doonaya xidigan qiima lacageed oo gaaraya 30 Million oo Euro sida uu qoray Wargaysku.

 

 

ayuu yiri Mourinho

Maicon oo 28 jir ah ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxo kala duwan,kooxda Inter Milan ayaa kala soo wareegtay xidigaan kooxda As Monaco oo ka dhisan Faransiiska 2006,isagoona wacdaro ka dhigay Koobkii aduunka ee lagu qabtay Wadanka Koonfurta afrika oo u dheelayey Xulkiisa Barzil

……"Xidiga Maicon haddii uu yimaado Kooxda Real Madrid waxay kooxdu noqon lahay mid isbdel weyn uu ku yimaado……."