Gaadiid dagaal oo somaliland ka tirsanaa oo u baxsadey dhinaca maamulka Puntland

Ciidamo ka tirsan cidamada maamulka somaliland ee bariga sanaag ayaa la shaaciyey inay u goosteen dhinaca maamulka puntland,  

 

waxaana la sheegayaa inay gaadiidkaas dagaal la socdeen ciidamo gaaraya 150 askari & 5 gaadiidka dagaalka ah.  

 

Ciidamada ayaa sida shabakada Allwariye loo cadeyey waxay hayn ahaan ka soo jeedaan beesha degta degaanka bariga sanaag,waxaana ciidamadaas baxsadkooda loo aanayey ka dib markii beesha bariga sanaag laga qadiiyey xubnihii ay ka heli layeen awood qaybsiga xukumada cusub ee somaliland.  

 

Ciidamadan ayaa la xaqiijiyeey inay si toos ah ugu biireen ciidamada maamulka puntland,waxaaan maamulka puntland la sheegey inay si wanaagsan u soo dhaweyeen talaabada ay ku soo goosteen ciidamadaasi.  

 

Gaadiidkan ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan 5 baabuur oo 4 ka mid ahi yihiin kuwo dagaalka halka uu mid kalena yahay nooca xamuulka qaada,waxaana ciidamada baxsadey hogaamiyana sarkaalkaasi guutadaasi oo lagu magacaabi jirey Halac.  

 

Waxaa baxsadka ciidamadani imaanaya xilli beelaha dega bariga sanaag laga qadiyey qaybsigii golaha wasiirada dawlada cusub uu madaxda ka yahay silaanyo,waxaana baxsashada ciidamadaasi si weyn u soo dhaweyey shacabka reer sanaag intooda badan.