Odayaasha dhaqanka Beelaha hawiye oo eedeyn u jeediyey kulankii madaxda midawga afrika ee kampala ku dhamaadey.

Waxgaradka beelaha hawiye ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay go,aankii dhawaan ka soo baxay kulankii madaxda afrika ku yeelatey magaalada Kampala.waxana ay ku tilmaameen mid aan la qaadan karin go,aankaasi.

Maxamed Axmed Guuleed afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha hawiye ayaa sheegey inuu isagoo ku hadlaya afka waxgaradka beelaha hawiye eedeyn u jeedinayo madaxda afrika,waxaan uu ku tilmaamay inay ku diirsanayaan dhibaatada ciidamada Amisom ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu afhayeenku sheegey inay madaxda midawga afrika go,aansadeen inay dalka soomaaliya gaar Muqdisho keenaan ciidamo badan,waxaana uu sheegey inay talabadaasi tahay mid aan wanaagsanayn oo shacabka Muqdisho lagu xasuuqayo.

Afhayeenku waxaa uu xusay in hadii Muqdisho la keeno ciidamo kale ay kordheyso dhibaatada ay shacabka u geysanayaan,waxaana uu ku eedeyey inay maalinkasta kuwa hada jooga xasuuqaan shacab badan oo aan waxba galabsan.

Waxaa eedeyntan ka soo baxdey waxgaradka beelaha hawiye ku soo beegmaysaa xili madaxda afrika go,aamiyeen in dalka soomaaliya loo diro ciidamo dheeri ah oo intooda badani dhawaan la filayo inay soo garaan magaalada Muqdisho.