Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo saaka ka jira duleedka Magaalada Baladweyne

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa saaka laga soo sheegayaa in ay ka jiraan duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Dhaq dhaqaaqyada ayaa ah kuwo ay sameynayaan ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan deegaanka Kala-beyrka.

 

Wararka ayaa sheegaya in si xoogan looga dareemayo duleedka Magaalada Baladweyne.

 

Ciidamada Al-shabaab ayaa dhankooda ah kuwo horay uga sii siqay dhufeyso ay ku lahaayeen magalada.

 

Iyaga oo ku sii jeeda halka ay dhaq dhaqaaqa ka wadaan ciidamada dowlada KMG ah.

 

Dadka ku dhaqan Baladweyne ayaa dhaq dhaqaaqyadaasi dareen xoogan ka muujiyay.

Lama oga sida xaalka Magaalada ku dambeyn doono saacadaha soo socda.