-
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali dheere ayaa ka hadlay Mowqifkooda ku aadan ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhawaan ku go'aamiyeen in la keeno soomaaliya.
Sheekh Cali dheere ayaa xusay in ciidamadaasi aanay wax saameyn ah dhankooda ku yeelan doonin.
"wax culeys ah naguma yeelan doonaan ciidamada la hadal hayo in la keenayo soomaaliya"ayuu yiri Sheekh Cali dheere.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale xusay in ciidamada shisheeye uu kala dhaxeeyo Xabad isla markaana aanay waxba ula hari doonin.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland isaga oo xusay in aanay wax lug ah ku leheyn.
Waxaa uuna dagaaladaasi ku macneeyay in uu u dhaxeeyay shacab muslimiin ah iyo ciidamo u adeegaya wadamo shisheeye.