Ku: Madaxweyne C/raxmaan Faroole, iyo xubnaha dawladda Puntland
Ku: Isimmada, Odayaasha, iyo Waxgaradka Puntland
Ku: Aqoonyahannada, indheergaratada iyo ururrada bulshada
Ku: Shacab weynaha Puntland iyo cid kasta oo nabad danaynaysa…
Waxan, haddaa nahay Jaaliyadda Warsangeli ee Magaalada Seattle, ee Gobolka Washington, aan ugu baaqaynaa Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyo shacab weynaha Puntlandba, in nabadda laga wada shaqeeyo oo dagaallada la joojiyo. Waxannu u aragnaa ciidammada Puntland duullimaadka ay ku qaadeen degaammadayada iyagoo u gacan dhaafay odayaashii iyo wax-garadkii dalka, gardarro aan geed loogu soo gabban. Waxan soo jeedinaynaa.
1. In miyirka la isticmaalo oo wax kasta wada hadal lagu dhammeeyo sidii odayaashu horay ugu baaqeen. Madaxweyne C/raxmaan Faroole marar badan baa odayaasha degaanku gogol u fidiyeen nabadeed, iyagoo sheegay inay iyaga masuuliyaddooda tahay inay wixii dhib u keenaya Puntland ay gacan ku qabtaan, laakiin, madaxweynuhu dhegaha ka furaystay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee odayaasha degaanku u soo jeediyeen.
2. In shacabka Puntland iyo dawladdooduba gacmaha isqabsadaan kuna dedaalaan inaan dagaallo ka hurin carrigan nabad weyntu ka jirtay. Taas waxa lagu gaadhi karaa in la xakameeyo colaadda aanna lagu degdegin dagaalka iyo gacma ka hadalka.
3. In guddi nabadeed loo sooco arrimaha ammaanka oo aan laga sugin laba nin oo qudha. Puntland nabaddeeda waxa saldhig u ahaa isimmada, odayaasha iyo shacab weynaha oo iska kaashaday nabad kuwada noolaanshaha dalka.
4. In odayaasha meelaha dagaalladu ka dhaceen ka soo jeeda la dhegeyso ra’ayigooda, isla markaa masuuliyadda ugu horraysa ay iyagu qaadaan. Lana hubiyo waxa meesha ku jira khaasatan laga saaro wararka ku-tiri-kuteenka iyo isku dirka ku salaysan.
5. In Madaxweyne Faroole ka daayo Puntland belo u yeedhyeedhka, sababtoo ah haddaad caalamka ku tiraahdo argagixisaa dalkayga joogta aan jirin, gurigaaga ayuunbaa ku ololaya. Tusaale, Muqdisho ayaa noogu filan oo far isku fiiqii hadda la garan la’ayahay meel laga soo qabto.
6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda.
7. In haddiiba ay jiraan ciidammo aan degaanka u dhalan oo buurtaa ku jiraa nin keliyana alla ha ka yeelee, dalka laga saaro. ‘Belo af la qabtay leedahaye, dabo la qabto malaha.’
8. In Dawladda Puntland magdhaw siiso dadkii ku waxyeelloobay dagaallada oo rayadka ahaa, illayn iyagu waxay galabsadeen lama arkee. Isla markaa, dawladdu ka fiirsato inay ku duusho degaannada aan dawladdu si fiican uga shaqayn. Dawladda maammulkeedu waan inuu gaadhaa meesha ammaan laga sugayo.
9. In isimmada Puntland iyo odayaashu u guntadaan, sidii horeba loogu yiqiin nabadaynta iyo joojinta dagaalkan sababi karaa burburka Puntland. Marnaba raalli waa inaanay uga noqon in maammulku ku tagri falo awoodda loo igmaday.
Dadka Baaqa Ku saxiixan magacyadoo waa sidan:
1. Garaad Cali Yuusuf
2. AY. Maxamuud A. Cabdalla
3. Ismaaciil Maxamuud Cali Bayr
4. Cabdinasir Maxamed Siciid Diiriye
5. Nabadoon Cabduraxman Dubbad
6. Ibraahim Shire
7. Oday Cabdirisaaq Aw-yuusuf
8. Cabdullahi Yaaquub
9. Axmed Jaamac Maxamuud
10. Guuleed Cali Maxamuud
11. Axmed Shire Gaab
12. Sahra Cali Yuusuf
13. Aamina Shire Faarax
14. Foosiya Shire Faarax
15. Maxamed Xasan Suldaan
16. Axmed Maxamed Xirsi
17. Saalax Yuusuf Dabaraani
18 Cabdisamad Xaraare
19. Ahmed C/raxmaan Bahal Bari
20. Xaaji Maxamuud Ciise Gunti-Xabash
21. Xaaji Axmed Ciise Gunti-Xabash
22. Aammina Garmaqaate
23. Maxamed Axmed Yaaquub
24. Cabdirisaaq Shire Faarax
25. Luul Aw-Yuusuf
26. Cabdiraxmaan Axmed Jaamac
27. Aadan Timafaras
28. Xaliima Timafaras
29. Cabdinaasir Timafaras
30. Axmed Cawed Faarax
31. Cabdirisaaq Maxamuud
32. Cabdullahi Kismaayo
33. Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed
34. Ismaaciil Maxamed Ciise
35. Ciise Maxamuud Ciise
36. Cismaan Maxamuud Ciise
37. Maxamed Aargoos
38. Cabdi Yuusuf
39. Xuseen Maxamuud Ciise
40. Eng. Cali Siciid Madexey
41. Farxiya Timafaras
42. Maxamed Cabdi Cashuur