Jaamac Ducaale oo kamid ahaa xubna dagaalkaasi ka qeyb qaatay kana mid ahaa hogaamiyaasha Ciidamada ka amar qaata Shiikh Maxamed Siciid Atam, ayaa waxaa lagu qabtay dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Jaamac Ducaale ayaa asagu dhaawac culus kasoo gaaray dagaalka, ayadoo labo xabadood ay uga dhaceen madaxa iyo xabadka. Waa sida ay hadalka u dhigeene
Maanta ayaa saxaafada loo soo bandhigay maydkiisa si loo tuso waxaana madaxweynah Faroole hore u sheegay in Jaamac Ismaaciil gacanta ku dhigeen hase ahaatee ma uusan sheegin inuu dhaawac yahay waxaase ilaa shalay la islla dhex marayay in la jidh dilay si looga helo warar waxaana jidh dilkaas gaystay ciidamda loo yaqaan PIS waana dhacdadii ugu horaysay oo qof maxbuusa la jidh dilo ilaa inta uu ka dhimanayay taasina waa mid ka fog qaynuunada sida ta ilaamka iyo tan caalamiga ahba in la jidh dilo maxaabiista
Dhinaca kale hadii la eego waa dad isku isir ah kuwa sidaa yeelaya waana maxbuuskii ugu horeeyey ee reer P/land kala dilaan tan iyo xiligii la aasaasay P/land
Dagaalkii doraad ayey ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada Dowlada iyo kooxihii soo weeraray, ayadoo la xaqiijiyey in dhanka dowlada ay ka dhinteen 7 askari oo isugu jira ciidamada PIS 3 askari, Daraawiish 3 askari iyo Askari ka tirsan Birmidka Booliiska.
Dhanka Ciidamada ka amar qaata wadaad Atam ayaan la aqoon tirada ka dhimatay ayadoo ay jiraan warar sheegaya in tirada dhimashada ee dhinaca kale ay gaareyso 5 ruux, hase yeeshee ma jiraan cid si madax banaan u cadeyn karta tirada ku dhimatay dagaaladii ka dhacay deegaanka ka baxsan laamiga ee dhanka buuraha Galgala xiga.
Majiraan ilaa hada cid isu taagtay inaan damiyaan coladaas marka laga reebo baaqyo ka soo baxay jaaliayadaha debeda waxaana dhici karta in markale dagaal halkaas ka qarxo