Dawladda wadanka Senegal ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ciidan u soo dirto dalka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Senegal Abdoulaye Wade oo ka hadlaayay gaba gabadii shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ee ka soconaaya magaaladda Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa sheegay in wadankiisa uu ciidan u diraayo Soomaaliya hadii laga codsado.

 

"…Hadii ururka Midowga Afrika wadanka Senegal waydiisto ciidan,diyaar ayaanu u nahay in aan soo dirno…",ayuu shirka ka yiri Madaxweynaha Senegal.

 

Wadanka Guinea ayaa dhowaan shaaciyey inuu diyaar u yahay in ciidan gaaraya hal batalyan u soo diraan magaaladda Muqdisho si ay ku biiraan kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika oo u jooga arrimo nabad ilaalineed.

 

Dawladda Jabuuti ayaa iyaduna mudo lix bilood ah balan qaaday in ciidan gaaraya hal batalyan u soo dirayaan magaaladda Muqdisho.

Shirka Ururka Midowga Afrika ee magaaladda Kampala ayaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo surtagalnimada in ciidamo hor leh loo soo diro.