Nin u dhashay Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa Xaaskiisa oo Degan Imaaraadka waxaa uu siiyay warqadeedi ka dib marki ay caadeysatay Cadi Sigaarka iyo Dhuuqista Shiishada la shito.
Ninkani xaaskiisa siiyay warqadeeda ayaa waxaa la sheegay inuu muddo dheer si aad ah iskugu howlayay inuu ka raarido in xaaskiisu ay hakiso Cabida Sigaarka iyo Bashan kale ee ay tubada suratay saacad kasta ee loo yaqaan shiishada
Furitaankan oo noqday mid ka mid ah furitaanada ugu qosolka iyo xiisaha badnaa ayaa waxaa uu ka dhacay maxkamad ku taala Magaalada Ras Al-Kaimah ka dib markii ninkani oo u tag la’a xaaskiisa uu dacwadedi ugudbiyay Maxkamada halkaasi ku taala ka dib markii uu ku eedyey in ay dhaawax u geeysatay isaga iyo Caruurtiisa oo ay sacad walba ku buuniyso Qiiq farabadan oo afkeeda ka soo baxaya.
dhacdadan furiin ee layaabka xambarsan ayaa dad badan oo ku dhaqan Imaaradka waxay ku noqotay Fajac iyo dhabana hays ka dib marki ay maqleen in haweeney badsata Cabista Qiiqa sigaarka iyo shiishada ay la kulantay furiin.
Haweeneyda la furay iyo ninkeeda oo ka gaabsaday inay saxaafada war siiyaan ayaa waxaa la sheegay in iminka ay kala tageen islamarkaana waxaa la xaqiijiyay haweeneydii la furay inay halkeedi ka sii wadan cabistii sigaarka xilli ay halkaasi ku weyday gacliyaheedi qaaliga ah.