afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Raage (Dheere) ayaa guulo ka sheegtay dagaalo maanta ka dhacay qeybo kamid ah magaalada moqdisho
Dagaalka oo xoogiisa uu ka socdo waqooyiga Muqdisho ayuu sheekh Cali dheere xusay inay ciidamadoodu joogaan meelihii ay hore u joogeen islamarkaana ay ku guuleysteen in ciidamada Xarakada Alshabaab ay siriq u dhigaan mid ka mid ah taangiyada Ciidamada AMISOM kaasoo uu sheegay inuu wali ku dhex jiro.
"Mujaahidiinta waxaa u suuragashay inay siriq u dhigaan taangi gaalada AMISOM wateen,waxayna isku dayayaan inay ka baxsadaan taangigaasi balse mujaahidiinta ayaa la dhacay wixii hub ay haysteen" ayuu yiri Sh.Cali Dheere
Daryanka Madaafiicda ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa magaalada inta badan maanta saamen ku yeeshay gaar ahaan madaafoocda aan xisaabta lahayn ee ka soo dhacaya dhanka Ciidamada Midowwga Afrika,walina khasaaruhu wuxuu isa soo tarataa.
Dadka ilaa iminka madaafiicdaasi u geeriyooday ayaa la sheegay inay kor u sii dhaafayaan 5 ruux halka dhaawucun adhaafay 10 qofood kuwaasoo badankood la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
Ma jirto wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxay dhanka Saraaiisha Dowlada iyadoo Muqdisho maanta si weyn loo hadal hayo in Madaxweyne Shariif jiida hore ee dagaalka uu ku sugan yahay isagoo xiran dharka dagaalka.
Farxaan Jaamac Cali
Xafiiska Wararka Moqdisho