Wiilal Soomaali ah oo walaalo ah oo ku dhintay xaafada Romsås ee Norway

Labo wiil oo walaalo ah islamarkaana da`aadooda lagu sheegay 9 iyo 12 ayaa lagusoo waramayaa in xalay fiidkii ay ku dhinteen xaafadda Romsås ee caasimada dalka Norway ee Oslo kadib markii ay ku dheceen war-biyeed ku taal xaafadaasi.

Wiilka yar ee 9-jir-ka ah ayay wararku sheegayaan in uu ku dhacay marka hore biyaha, kadibna walaalkii (12-jirka) uu damcay in uu kasoo bad-baadiyo, balse nasiib darro ay labaduba ku dhinteen biyaha.

Booliska ayaa gaaray goobta uu shilkani ka dhacay ku dhawaad 30-mirir kadib markii lagu wargeliyay dhac-dada, waxaana ay arkeen labada wiil oo dhowr mitir hoos ugu jira biyaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay naftu ku jirtay markii loola cararayay cusbitalka loo yaqaan Rikshosbitalet balse waxyar kadib lagu dhawaaqay in ay geeriyoodeen.

Wiilashan geeriyooday ayaa kubad ku ciyaarayay barxad u dhaweyd war-biyeedka ay ku dheceen, waxaana goobta soo gaaray qoska wiilashan kadib dhacdada.

Isbuucyo ka hor ayay aheyd markii uu isna wiil Soomaali ah uu ku dhintay xaafadda Lommadale ee degmada Akershus ee dalka Norway kadib markii uu isna ka dhacay doon uu la saarnaa sadex ka mid ah asxaabtiisa, kuwaasoo iyagu kasoo dabaashay biyaha.

Dhacdooyinkan ayaa muujinayay in ubadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha aysan inta badan aqoon dabaasha, sidaasna ay ugu dhintaan badaha ama meelaha kale oo ay biyuhu yaalaan.