Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii xisbul islaam

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in diinta Islaamka aysan wax shaqo ah ku laheyn in lammnuuco xuska munaasabadda kowda Luulyo.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in diinta Islaamka aysan diideynin in la xuso munaasabadaha ay umadda Soomaaliyeed gaarka u leeyihiin sida 26-ka June iyo kowda Luulyo.

Sheekha ayaase sheegay in ay manuuc tahay in la xuso maalmaha laga soo min guuriyay reer galbeedka sida maalinta haweenka, maalinta dhalinyarada iyo maalinta shqaalaha.

"dadka qaar ayaa waxa ay aaminsanyihiin in ay is diidayaan soomaaliniamada iyo Islaamnimada, dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin in aan Islaam la noqon Karin hadii Soomaali la ayahay, soomaalina la noqon karin hadii Islaam la yahay, ma ahan wax is diidaya Soomaalinimada iyo Islaamnimada" sidaana waxaa Hornafrik u sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiayaha hay’adda culimada Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ururka Xisbul-islam uu soo saaray amar ah in aan la xusi Karin Kowda Luulyo oo ah maalinta xoriyadda Soomaaliya, idaacadahana aysan tabin Karin xusaska loo sameeyo maalintaas oo maanta ku began.

Farxaan Jaamac Cali

Xafiiska Wararka Moqdisho