Dagaal culus ayaa saaka aroornimadii ka bilowday dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagalkaasi la isku adeegsanayo hubka cul culus iyo kan fududba.
Wararka laga helayo dhinaca dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u dhaqaaqay aagga hore ee dagaalka sida ay ku waramayaan mas’uuliinta ciidamada dowladda Soomaaliya.
Majiraan warar madax banana oo xaqiijinaya in madaxweynaha uu ku suganyahay jiidda hore ee dagaalka.
Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku sugnaa xaafadaha ay saaka dagaaladu ka soconayaan ayaa bilaabay in ay ka cararaan guryahooda iyagoo ka baqanaya in waxyeelo ay kasoo gaarto hubka indho la’aanta ah ee la isku adeegsanayo.
Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdu ay ku dhaceyso goobo ka baxsan aagga dagaalka.
Farxaan Maxamed Jaamac
Xafiiska wararka Moqdisho