Ra'isal wasaaraha Somalia oo maanta ku dhawaaqayo wasiiro cusub

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharma'arke ayaa la filayaa in gole Wasiiro oo cusub ku dhawaaqo maanta oo 1-da luulyo ah

Somali24 Online ayaa fahansan in isbadalka golaha Wasiirada cusub saameyn ku yeelan doona xubno xilal ka hayey xukuumadii hore iyadoo la filayo inuu xubno kaga soo daro ururka ahlu-sunah waljamaca.

Guddoomiyaha ururka Ahlu sunah Waljamaca ayaa shir jaraa'id oo uu qabtey  maanta ku sheegey in heshiiskii dowladda Federalka galeen uu bur burey kadib markii xubnaha lagu darey wasiirada cusub dad aan ka tirsaneyn ururkooda.

Lama oga waxa ay soo kordhin doonto Xukuumada cusub ee la magacaabey iyada dowlada sidii ay u jiri laheyd dagaal kula jirto mucaarad dagaal xoogan kula jira.

Somali24 ONLINE ayaa idiin soo gudbin doona liiska golaha Wasiirada marka uu soo baxo

Farxaan Jaamac Cali

Xafiiska Wararka Moqdisho