Munaasabad lagu xusaayay maalinta 1-da Luulyo ayaa habeenimada xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaaso,waxaana ka qaybgalay masuuliyin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Masuuliyinta ka qaybgashay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Col.Maxamed Siciid Jaqanaf,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Bari Cawil Ilka dahab,Duqa magaalada Bosaaso iyo kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir iyo Saraakiisha Ciidanka iyo laamaha amaanka.
Munaasabada oo ahayd mid si heer sare loo soo qaban qaabiyay ayaa ugu horeyn waxaa furay oo xirririnaayay Kuxigeenka Duqa magaalada Bosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir oo hambalyo iyo tahniyad u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel weliba ay ku suganyihin.
Duqa magaalada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay xaalada iminka Soomaaliya ay ku sugantahay,wuxuuna sheegay in burburkii Dowladi dhexe ee Soomaaliya ay dadka Soomaaliyeed haysteen nolol wanaagsan iyo nabad.wuxuu Alle ka baryey in dagaalada iyo dhibaatada ka jirta dalka inuu ka dulqaado.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa mahadcelin gaar ah ujeediyey Ciidanka Madaxtooyada oo u sheegay in ay surtageliyeen xuska munaasabada,wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada loona baahanyahay in lagu noolaado nabad.