Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen xubno ka tirsan Xisbiga UDUB ayaa lagu sheegay in lagu shubtay doorashadii maalintii Sabtidii ee 26-ka bisha June ka dhacday Somaliland,taasoo ay ku eedeeyeen xisbiyada Kulmiye iyo UCID inay ku shubteen.
Xubnahan oo ay hogaaminayeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jaamac Yaasiin iyo Guddoomiyaha Ololaha, Cismaan Cabdillaahi Ducaale ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in degmooyin ka tirsan gobollada Hargeysa, Togdheer, Sanaag, iyo Sool ay ku shubasho ka dhacday isla markaana ay dacwad u gudbiyeen Guddiga Doorashada Qaranka iyagoo ka digay in Guddiga Doorashadu wax natiijo ah oo horudhac ah aanu soo saarin taasoo keeni karta cawaaqib xumo, nabadda oo khal-khal gasha, iyo muran siyaasadeed oo dalka ku yimaadda.
War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbiga oo ay arrintaa ku faahfaahiyeen, ayaa u dhignaa sidan:
Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga S/land.
Waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada M.jeex degamadiisa Gabilay gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar’adag gobalka sool degmadiisa caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax.
Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Hadaba Waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin.
Hadalkan kasoo baxay Xisbiga UDUB ayaan Guddiga Doorashada iyo Labada xisbi ee kale uuna midkoodna ka hadlin. Waxaa xusid mudan in kormeerayaasha caalamiga ahi ay sheegeen in doorashadu guud ahaan ay waafaqsaneyd heerka caalamagi ah ee doorashada xaq ah, xorna ah. Waxa kaloo iyana xusid mudan in xilligii doorashada ay tartamayaasha saddexda xisbi sheegeen inay aqbali doonaan natiijada doorashada kasoo baxda.
Hadaba hadalka ay masuuliyiinta xisbiga UDUD sheegeen ayaa hadii ay ku raacsan yihiin madaxda dawladu ay keenaysaa caqabad weyn oo ku timaada hawlihii doorashooyinka Somaliland,iyo khalkhl siyaasadeed oo keeni kara amaanxumo iyo burbur.
Waxa hadaba beri laga war dhowrayaa sida ay arinkaas ka yeelaan komishanku iyo jawaabaha ay ka bixiyaan xisbiyada kale.
Waxa ugu muhiimsan ee la eegayaa waa in ay daacad ka noqon doonaan qolyaha komishinku arimahan oo ay si xor ah ugu dhawaaqi doonaan natiijada doorashada oo la filayey in sabtiga lagu dhawaaqo,iyo inay dacwada iyo cabashada UDUB ay raaci doonaan oo ay sheegi doonaan in arinka ay UDUB ka cabatay baadhitaan lagu samayn doono,taasoo aan la garan karin wakhtiga ay qaadan karto,iyo sida arimahaas loogu qancin karo xisbiyada kale.
Axmed Cismaan Xassan
Xafiiska Wararka Hargeysa