Yeman oo maxkamadaynaysa 13 qof oo burcad badeed ah

Maxakamada Dambiyada Magaalada Xadramout ee wadanka Yemen ayaa shaacisay in loo soo gudbiyay liiska 13 Burcda badeed ah oo dhowaan ay ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ay kasoo qabteen xeebaha jasiirada Suqatra.

Warbixin lagu soo daabacay 26september ayaa garsoorka Maxkamada Dambiyada Xadramout ee Koonfurta Yemen uu sheegay in ay dhowaan u qorshaysan tahay Maxkamadaynta Burcad badeedaas.

Tobonaan ka tirsan Burcad badeeda Soomaalida ayaa ku xiran xabsiyada wadanka Yemen,waxaana qaarkood lagu xukumay toogasho kadib markii lagu helay dabiyo ay ka midyihiin dilka qaar ka tirsan badmaaxyada gaadiidkii ay weerareen.

Farxaan Jaamac Cali

Xafiiska Wararka Moqdisho