Dawladda soomaaliya oo ka warbixisay ciidamo loo tababarayo

Afhayeenka Dawladda soomaaliya Cabdulqaadir Maxamuud Walaayo oo shir jaraaid u qabtay saxaafadda qeybaheeda kala duwan ayaaa sheegay in ay meel wanaagsan marayso tababarka dalka Uganda loogu fidinaayo Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ay tababarayaan Saraakil milateri oo ka socda Midowga Yurub.

 Wuxuu sheegay Dowladda Madaxweyne Sheikh Shariif ay ku guda jirto in ay soo afjarto kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda si nabad iyo deganaansho dib ugu soo celiso dalka.

Mr.Walaayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay dib u habayn balaaran ku samayn doonto Hay’adaha amaanka .

Dalka Uganda ayaa waxaa lagu tababaraaya Ciidan gaaraya 2,000-askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Farxaan Jaamac Cali

Xafiiska Wararka Moqdisho