Ciidamadda Booliiska Kenya oo ay hor boodayaan kuwa Militariga ayaaMaanta xoog ku galay goob uu ku sugnaa Nin Cunaa ahaa oo Dadka Nolosha Cuni jiray kaasoo gaaray heer xilliyadda Habaynkiiya Caruurta lagu seexsho.
Ninkaan oo 32-sano jir ah laguna Naynaaso ”Muawaji” oo Macnaheedu yahay ”Dilaa” ayaa waxaa ku maqan 19-ruux oo u baddan Cacuur,waxaana ka mid aheyd Haweenay Bohol laga helay oo uu isaga tagay markay muddo wada hardamayeen.
Ninkaan ayaa xilliga gacanta lagu dhigay,waxaa uu watay Jawaan sida la tilmaamay ay ka buuxeen Beer iyo Kelyo uu kala baxay Dad nool nool oo uu nolosha ku bireeyay.
Waxaa uu Booliiska Tusay goobo uu ku ridi jiray Dadka uu Dhiiga ka cabo muddo Sanad iyo Bar ah ah ,goobahaas markaad indhaha ku kala qabatid ku naxdin iyo baqdin galina.
Dadka uu laayay oo u badnaa Caruur iyo Haween da’aad ah oo uu u xoog sheegtay,ayaa la sheegay innuu badankood ka dhuuqi jiray Dhiiga,kaasoo la tilmaamay innuu muddo ku soo noolaa.
Dhiigya Cabkaan oo ayaa xilli uu Booliiska lahadlayay Sheegay innuu doonayay innuu 5-Shan sano ah ku soo afmeero howlihiisaan dhiig cabid.
Mar laweydiiyay waxyaabaha ku kalifay innuu Dadka Dhiiga ka cabo,ayaa sheegay in Kooxo Diimeedyo ay ku dheheen haddaan 100-Qof ku baxdid oo dhiiga ka cabtid,waxaad noqonaysaa Ninka Adduunka ugu Taajirsan.
Waxaa uu tilmaamay innuusan isagu ku faraxsanayn innuu howhsaas sameeyo,balse wuxuu haatan aad ugu faraxsanyahay innay Booliisku gacanta ku dhigeen oo ay ka badbaadiyeen Howshii xumayd ee uu ku jiray.
Sikastaba ha ahaatee lama ogsoona waxyaabaha Ninkaan laga yeeli doono isagoona haatan weli nool oo ku jira gacanta Booliis-ka.