Booliiska dalka RUSSIA gaar ahaan gobalka Siberia ayaa soo helay Ilmo yar INAN (GABADH)ah oo jirto 4 sano, Inantaas yar ayaa sida la rumeysan yahay waxaa soo koriyey Bisado iyo Ey.
Ilmaha ayaa laga dhex helay guri Dunsan oo ku dhexyaal magaalada Chita ee gobalka Siberia, Ilmahan yar ayaa la sheegay inaysan hadli karin.
Booliiska ayaa sheegay in gabadhan yar aan weligeed loo ogolaan inay banaanka uga soo baxdo gurigii laga dhex helay, waxayna sheegeen Boolisku inay gabadhan yar u dhaqanto sida ay u dhaqmaan Xayawaankii ay ku dhex nooleyd ee Eyada iyo Bisadaha.
Booliiska ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay markay arkeen gabadhan oo u ciyeysa sidii Eyada isla markaan u bood boodeysa sida xaywaanka oo kale, iyada oo ku soconeysa gacmaha iyo lugahaba.
Booliiska ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo helaan hooyadii dhashay Ilmahan, balse Aabihii dhalay ayaan weli Isaga la soo qaban.
Booliska ayaa sheegay in gabadhan aan weligeed loo meydhin, isla markaana ay qaabkeedu u ee kaaday sidii xaywaanka.
Warbixinta Booliiska ayaa lagu sheegay in Afar sano illaa shan sano ay soo korinayeen gabadhan koox bisado ah iyo Ey ah, isla markaana aysan weligeed banaanka arag.
Gabadhan ayaa la sheegay inay awood u leedahay inay is af fahmaan Xayawaanka, balse aan luuqadna ku hadli karin, walow la sheegay inay u muuqato iney fahmeyso qeybo kamid ah luuqada Ruushka.