Ciidankii hore ee Naafada dalka soomaaliya oo xiligan ay ku sugan yihiin cisbitaalka martiini ee magaalada moqdisho ayaa la gaarsiiyay iyadoo deeqdan uu bixiyay Madaxweyne Sheikh Shariif,waxaana gaarsiiyey Ra’isulwasaare kuxigeen ahna Wasiirka Kaluumaysiga Cabdiraxmaan Xaaji Aadan IBBI.
Cadadka lacagta ayaa ahayd Boqol milyan oo shilin Soomaali ah,waxaana uu Cabdiraxmaan IBBI sheegay in ay tahay hadiyad uu Madaxweynaha ugu talagalay Ciidankii hore ee Xooga dalka Soomaaliya oo naafoobay.
Ciidankii hore ee xooga dalka Soomaaliya oo ku naafoobay dagaalka 77-kii ayaa soo dhoweeyey deeqda lasoo gaarsiiyey,waxaana ay u mahadceliyeen Madaxweyne Sheikh Shariif.
Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa cabasho xoogan kasoo yeeraysay Ciidankaan hore,waxaana sidoo kale ay ahayd dhowaan markii Guddoomiyihi hore ee gobolka Banaadir Cismaan Xassan Cali dhagaxtuur uu deeq lacageed gaarsiiyey Ciidankaan.
Farxaan Jaamac Cali
Xafiiska Wararka Moqdisho