Shiinaha oo ka walaacsan 19 oo u dhashay shiinaha oo markab ay saarnaayeen la afduubay

Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada wadanka Shiinaha Qin Gang oo shir jaraaid ku qabtay caasimada shiinaha ee Beijing ayaa wuxuu kaga hadlay markab lagu afduubay xeebaha soomaaliya oo ay saarnaayeen 19 ruux oo u dhashay wadanka shiinaha iyo xaalada nolaleed ee ay ku suganyihiin iminka,

waxaana uu sheegay in dowladda Shiinaha ay isku dayi doonto sidii ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda shaqalahaasi oo saarnaa markii la afduubanayay Markab uu ka dul babanayay calanka wadanka Singabur oo maalintii shalay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku afduubteen biyaha Gacanka cadmeed.

Markabkaani oo lagu Magacaabo MV Golden Blessing ayaa waxaa uu ahaa markab xamuul ah oo siday Kiimo aad u farabadan, waxaana uu ku sii jeeday marka ay kooxaha burcad badeeda Afduuanayeen dalka Handiya isagoo ka soo dhaqaaqay wadanka Sacuudi.

Milkiilaha Markabkaani MV Golden Blessing oo isna la hadlay Sacxaafad ayaa waxaa uu sheegay inay bad qabaan shaqaalahaasi u dhashay wadanka Shiinaha eek u jira gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida

Farxaan Jaamac Cali

Xafiiska Wararka Moqdisho