Sh. Cumar Faaruq: ma shaluu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?!

Dhibaatada Soomaaliya ka taagan qof walba ka hadal, gaal iyo muslinba ra’yi ka dhiibay, aragtiyo kala duwan la soo jeedi, waa tii la yiri: “nin bukoow boqoli kuu talisaye!”, waxaa la soo bandhigay fekrado aad u kala fog, mararka qaar kala jeeda oo qolaba dhinac u jeedisay, tan waxay abuurtay in qolo walba sheegato in iyada kaliya xalka gacanta ku hayso, haddaan dhankeeda laga abbaarinna halaagga lagu sii jirayo, qormada maanta waxaan ku eegaynna hadalka cusub ee Sh. Cumar Faaruuq, ee ku saabsan kordhinta ciidama ka socda Midayga Afrika, iyo taageerada uu u muujiyey ciidamada ka socda dalalka IGAD ee loo soo wado Soomaaliya.

Ugu horrayn kama hadlaynno taariikh nololeedka Sheekha, waxaanse doonaynnaa inaan hadalkiisa faaqidno, inaga oo ka eegaynna dhinacyo kala duwan, Sh. Cumar Faaruuq wuxuu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, wuxuu si xirfadaysan ugu caanbaxay casharka Tafsiirka quraanka iyo dacwada, waa nin cod kar ah ku deeqsiinaya hadalka iyo warka, wuxuu aad ugu xeeldheer yahay afka iyo suugaanta Soomaalida, taas oo ka caawisay inuu si xikmadaysan hadalka dadka ugu laqimo, isaga ood mooddo inuu fandhaal dawo ah siinayo, sida macaan ee uu u kala dhigdhigayo iyo eray bixinta uu adeegsanayo awgeed.

Sh. Cumar Faaruuq xilligii burburka lagu jiray siyaasadda kama dhex muuqan, kamana mid noqon uraradii hubaysnaa ee ka dagaal galay gudaha Soomaaliya, hadduu ku jiraynna kama mid ahayn kuwo safka hore ka muuqday, wuxuu xilligaa ku sii jeeday siduu dadka ku gaarsiin lahaa feker diimeed ku salaysan aragtida cusub!, wuxuu mudda badan ku noolaa wadanka Sucuudiga oo uu ku soo bartay culuumta diinta iyo luqadda carabiga, taasoo u fududaysay inuu ka mid noqdo wadaadada ugu afka macaan Soomaaliya.

Sh. Cumar Faaruq wuxuu siyaasadda markii u horraysay ka soo galay wadanka Jabuuti, ka dib shirkii Carta oo lagu ansixiyey in 10 wadaad lagu daro golaha baarlamaanka, tobankaas waxaa ka mid ahaa Sheekha, waaba yaabe xildhibaanimada ma deeq baa laysku siin?, wuxuu ka mid noqday baarlamaankii dawladdii Carta sanadkii 2000, markuu ku soo laabtay Soomaaliya, ayaa waxaa la weydiiyey, waxa uu u daawanahay naagaha qaawan ee heesayey? Waa sida su’aasha loo dhigaye, Shiikhu wuxuu ku jawaabay: waxaan ku jirnay dhiig joogin, micnaha uma muuqan dumarkuba ee wuxuu ujeedkoodu ahaa in xal la wada gaaro.

Shirka jabuuti wuxuu horseed u noqday laba cudur oo Soomaali lmarkii dambe la degtay, waxay kala yihiin: afar iyo bar(4.5) iyo wadaad xil sayaasadeed deeq lagu siiyey!, wax uu ku mutsaystay iyadoo aysan jirn, si fiican u eeg xaalka maanta marayo, dhismaha xukuumaddii u dambaysay waxay u xayirneed mudda dheer, dheelitirka afar iyo bar, maxaa yeelay qolo walba waxay doonaysaa inay iska aragto shaashadda siyaasadda, dhanka kale wadaad wacdi ayuu waajibkiisu ahaaye, eeg maanta waxa wadaad waralne magaalada dhex wareegaya, waliba noqday kuwa ugu dhibka badan ee umudda xaaxda ka siiyey!.

Sh. Cumar Faaruq ujeedka uu siyaasadda u soo galay ma caddeyn, haddaan la dhihi karin damacii ragga lagu yaqaanney iyo xil jeclida, sidaa oo ay tahay haddana si fiican ugama soo dhex muuqan, malaha xagal daacinteeda ayaa ka maqan? Mise sheekadu dhanka ay u socoto ayuusanba la dhicin? Oo sidaa ayuu uga gaabsaday!, waxay noqotaba siduu degalka diinta uga soo dhex muuqday, siyaasadda ugama soo dhex bixin, haddana sheekha waxaa laga hayaa hadallo siyaasadda ku saabsan, isaga oo mar walba ka soo galayey daaqadda diinta.

Sanadkii 2007-dii Sh. Cumar wuxuu soo saaray fatwadiisii caanka ahayd, ee uu ku gaalaysiiyey dawladdii C/laahi Yuusuf, hadalkaas oo shidaal u noqday kooxaha maanta loo yaqaan nabad diidka maalinse ahaan jiray mujiihidiin diin iyo dal difaacaya!, uuna ka mid ahaa Madaxweyne Sh. Shariif qudhiisu, fatwada Sh. Cumar waxay colaad baahsan u abuurtay dawladdii xiligaa dhisneyd, oo intii aan qoriga wadatey iyo wadaad isku sheegu u arkeen aragti toosan iyo feker saxn!, caamada iyo inta cilmadhagoodka ku socoteyna ku abuurtay inay ka didaan dawladdaas.

Sh. Cumar wuxuu gaashaanka u daraaray in la kaashado gaalo, isagoo xukun culusna riday yirina: “Gaalo Ruuxii Kaashada waa Gaal!”, hadalkaas wuxuu dad badan u noqday dhiiragalin iyo dhabar ka riixid, maxaa yeelay waxay xuju u heleen inay dagaal diimeed dalka galiyaan, isagoo(dallku) markii horaba la daala dhacayey dagaal sokeeye iyo fawdo qabiil!.

Sheekhu wuxuu horkacayey wadaaddo isubahaystay inay weeraraan C/laahi Yuusuf iyo xertiisa, yaan loo malayn inaan halkan ku difaacayo C/laahi, ma mudnayn in madax loo doorto balse kaalinta uu ku jiray ayaa ka dhigtay, Sheekhu wuxuu si weyn uga qayb qaatay hurinta colaad diimeedka dalka la degay sanidihii ugu dambeeyey, ee gaystay aafadii ugu xumeed uguna xanuunka badnayd, diin difaac haka ahaato isaga ama ujeed kale ha qarsanaado!, balse wuxuu horbooday balaayo aan baal la qabto yeelan!.

Aanse sheeko yar dhextaal kaga dhigo qormada, kaashiga ciidama shisheeye walibana gaalo ah, waa arin lagu kala tagey, daagalkii Gacanka ee dhacay 1990-kii, waxaa jiray wadaaddo diiday in la garabsado Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaa ugu caansanaa Maxamed Nasir diin Al albani, oo markii dambe laga musaafuriyey Sucuudiga oo uu sanado daganaa, waxaase taageeray kaashiga ciidamo shisheeye Ibnu Baz, Cuthaymin iyo rag kale, haddaba iyada oo khilaafkaasi jiro, maxaa wadaad gaarahi xaqiiqda u kaydsanayaa? Una leeyahay waxaas ma bannaana iyo waa gaalnimo!.

Sheekha waxaa u hormay hadalkiisii ahaa: “Gaalo Ruuxii Kaashada waa Gaal!” oo waliba cod ahoo duuban, maantase waxaa ka soo yeeray hadal aad uga duwan kii hore, waa isla qodobkii ahaa kaashiga ciidamo shisheeye, balse fekerku kii hore ma ahan, aan qurxiyo hadalkoo dhoho, fatwadu tii hore ka duwan, wuxuu fatwo cusub ku soo saaray inay bannaan tahay in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya, wuxuuna yiri: “IGAD ama dalalka dariska ah inay faragaliyaan Soomaalida is maqli waysay way bannaan tahay”, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo go’aanka dalalka Afrika.

Hadalkiisa kuma kala saarna dalalka ay ka imanayaan ciidanka, wuxuuba carabka ku xoojiyey dalalka dariska ah, ayna ka mid tahay sida iska cad Etiopia, halkaa wuxuu ku mudan doonaa gaalaysiinta kooxaha xagjirka ah, sida uu isba horay ugu gaalaysiiyey dawladdii C/laahi Yuusuf, waa: “Adna markaga madaxa soo duubo!”, dhinaca kale waxaa go’aanka IGAD ka soo horjeestay C/qaasim, isaga oo sheegay inaysan wax aan dhib ahayn soo kordhinayn, bal waxaan weydiin lahaa C/qaasim: xilliguu madaxweynaha ahaa markuu dalbanayey ciidamada shisheeye ma wuxuu is lahaa xal ayey keenayaan? Mise wuxuu is lahaa xukunka ku sii adkayso? Sidoo kale Sheekha waxaan weydiin lahaa maanta waad taageersan tahay in ciidamo dalalka dariska ka socda la keeno Soomaaliya, shalay maxaad ku diidanayd? Waliba aad u gaalaysiisay raggii ajandahaas waday!.

Haddaba Sheekada Sheekhu waxay u egtahay “Alif wax ma leh iyo waxbuu leeyahay”, wuxuu isku daray caddaan iyo madaw, ama isku midba ka digay, waaba yaabe ma diintaa is badasha mise danta wadaadada? Waligoodba waa lagu yaqaanay laba codlaynta iyo hadal iska daba jeeda, xasuusu waxa fiqiga loogu yeero, marka laga hadlayo shaafici, “Al qawlulul qadiim iyo al qawlul jadiid”,(hadalkii hore iyo hadalkii dambe) waxaa laga yaabaa hal mas’alo inuu laba aragti iyo ka badan ka qabo, daniba tiri.

Sidaa si la mid ah Sheeekhuna wuxuu maanta qiil u helay oo uu shalay u waayey ciidmada Shiisheeye oo dalka la keeno!, mayee malaha ujeedku waa Sh. Shariif ayaa xukunka noo hayee aan tageero kasta wax ku raadinno!, micnaha isla Anigii ayaa xilka haynnee aan u qiilinno sidii aan xukun u sii xajisan lahayn!, waxa ay noqotaba Sheekhu maruu qaldanaa ee midda ay tahay muu noo sheego, maxaa yeelay suuragal ma ahan inuu wada saxnaa labada marba, ama shalay ayuu qaldanaa markuu C/laahi iyo xertiisa usha gaalaysiinta la dultaagnaa, ama maata ayuu qaldan yahay markuu Sh. Shariif iyo xertiisa u qiildayayo!.

Labada hadal ee diineed iyo daneed ee ka soo kala yeeray Sh. Cumar Faaruuq iyo C/qaaism, waxaa ka daba yimid hadal kale oo ka gadisan, balse isla jawahareerka ka mid ah, hadalkan wuxuu ka soo yeeray Axmed Diiriye Cali, oo 24-saac u qabtay in wada hadal dhex maro dawladda iyo kooxaha hubaysan, waaba yaabe odawgu miyuu riyoonayaa? Mise wax uu hubo ayuu hayaa? Dhab ahaan inuu isagu naasnuujin jiray kooxaha hubaysan ee umadda dullaystay waa mid cad, haddaba manta maxaa isbadaley? Mise isaga ayaa meel kale looga yeeray?.

Ugu dambayn wadaad oday iyo siyaasi la arag jiha wareerintooda, mid mid dhama la waa, haddii aysan ka midaysnayn ku cayaarka maanka umadda, dhanka kale diintu guud ahaan waa erayo qoran, qof walba siyuu u gartaa una fasirtaa, maxaa yeelay Aayad tiri: sidaan ayaa la iila jeeda ma jirto, ee abid rag unbaa ka hadalsiiya sheegana waxa looga jeedo, ogow mar walba raggu dano iyo ujeeddo ayey leeyihiin, waxaana qasab ah inay la falgalinayaan danahaas, midda kale muxuu nin walbaa markuu doono uga baxaa dhalanteetdkuu shalay difaacayey!?, haddana u doonayaa in lagu taageero? Waxaa habboon inaan diinta lagu soo koobin gaalaysiin iyo dagaalgalin kaliya, wax walba waa in laga hormarshaa danta dadka iyo dalka.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com