Dalku difaac buu rabaa, Dib u dhisid buu rabaa, Dadku hoggaan bey rabaan, Caddaalad bey doonayaan, Wey dulleysan yihiine, Daa'inkeen ka sokow, Xumahaa ku soo degay, yaa ka dulqaadi kara, Diidi kara waxyeelleyn, Diinta ugu gargaara, Dulmiga suulin kara , Dira caasi waa kuma, Dadaalka muujin kara!?.
Dal waxaa dhisi kara daacad qabe dantiisa gaarka ah ka hor mariya danta guud, isla markaana dalka iyo dadkaba horu kacooda jecel, waxaase taa diida damiir laawaha u xiiqsan gaarista saldanadda ee uu sida xun u madax waalay damaca kursiga, isaga oo aan raad ku laheyn dabaqadaha siyaasadeed ee gool dhalinta leh, diplomasiyadiisuna ay hooseyso, balse sheegashada magaca siyaasinimo ee san dareertada ah un isaga qanca hal ku dheggiisuna yahay:-
Laftii dhuux lagu sheegaba, dhaxal keedu waa aniga!.
Abwaan Mustafe sheekh Cilmi, ayaa laga hayaa farriin culus oo uu ku tilmaamayay mansab jacaylka iyo damaca kursiga, wuxuuna arrinkaa ka yiri:-
Kursigaasaan caashaqaye, madaxweyne kol i dhaha.
Tani waa natiijada habowsan ee ay in badani sida khaldan ugu fekereyso, waxaadse moodda bulshada soomaaliyeed, iney illaaween rayidnimadooda, waayo qof waliba wuxuu niyeestay u hanqal taagidda iyo tiigsiga kursiga, isaga oo u sii maraya waddo kasta oo gaarsiin karta damaciisa xumaan iyo samaan tii ay doontaba ha ahaatee, su'aashuse waxey tahay " ummad wada siyaasi ah yaa u masuul ah ? ".
Dowlad wada karraani ah Dunidaba ma joogtee Soomaalay dantaa garo.
Weydiin baa oraneysa "Aqoon yahanka Soomaaliyeed ee dad kiisa wax u soo bartayow, maxaa adiga mar walba safka danbe ku fariisiyay?, maxaa kaa khaldan?, maad dad kaada indho u noqotid, mise adaaba lug ku leh damaca waalan ee kursi raadinta iyo jaha wareerka siyaasadeed?".
Yaa hoggaan noqon kara?, yaa u muuq eg?, yaase soomaali maanta isku wadi kara oo daacadnimo huwan?, ma heysaa halyey dhab ah, mise weli ma uu dhalan?.
Ma dooran laheyd, midka ku leh i dooro ama waan ku dilayaa?
Ma dooran laheyd, kan hantida shacabka daaraha ka dhistay?.
Ma dooran laheyd, midka shacabka gumaad kiisa u taagan?.
Ma dooran laheyd, kan afka duuban ee aan wejigiisa la arkin?.
Ma dooran laheyd, kan shisheeye kalkaalka ah ee gumeysiga jecel?.
Ma dooran laheyd, midka neceb astaamaha qaranka oo dhan?.
Ugu danbeystii, waxaa iga digniin ah anoon cidina ku dulmineyn, isla markaana iga dardaaran ah anoo weliba dabbaqaaya xadiiskii rasuulka ( csw ) ee ahaa:-
Nin kursi doonay yaan la dooran ee midka diiday aan la doonno.
Waxaa iga tala ah, kursigani la wada jeclaayee, qof kasta oo xoog wax ku doona xaajadiisa yaan la xeerin, hadduuse uu caqli iyo cilmi la yimaado aan u ciidaminno, cisana aan ugu deeqno. Garashaa wax hagtee, taa aan ugu garowno.
Xagal daaco kii wada.
Yaan lagu ag xujoobin.
Qaranimo u xaglinteed
Nimaan isku xakaarin
Isna yaan la xanbaarin.
Bashiir. C. Xuseen.
barbaariye@hotmail.com