Qiso cajiib ah oo qosol badan oo nin qoxooti ah ku qabsatay Yemen

Haweeney Soomaaliyeed, oo uu miyirkeedu wax u dhinnaa, ayaa waxay ku jiri jirtay Xeradii Qaxootiga ee 'Al-Jaxiin' ee dalka Yemen.

Soomaalidii ku jirtay Xeradaas qaarkood, ayaa waxay aaminsanaayeen: iney Haweeneyda Teendhada la deggan yihiin Qoys 'Jin' ah; ayna iyagu sabab u yihiin waallideeda. Waxay Soomaalidaas aad uga baqan jireen in ay galaan, ama u dhowaadaan Teendhada Haweeneyda waalan..!!.

Habeen ka mid ah habeennada ayuu Xanuunkii iyo Xaaladdii nafsiga ahayd ku sii kordheen Haweeneyda. Waxaa loola cararay Cisbitaalka dadka waalan ee Cadan.

Dadkii Xerada ayaa waxay lagama-maarmaan u arkeen in loo baahan yahay qof habeenkaas sii seexda Teendhada, si aanan loo xadin gogosha, dharka iyo agabka miskiinta waalan.

Arrintan ayay dadkii ku dhiirran waayeen. Waxaa laga wada baqday Waxyeellada Qoyska jinka ah ee lagu tuhmayo inuu Teendhada wax ka deggan yahay.

Ugu dambayntii nin dhallinyaradii Xerada ka mid ahaa, ayaa ku dhiirraday seexashada Teendhada. Wuxuu sheegay ninkaas: inuu akhrisanayo Aayatul-kursi, oo kula dagaallamayo Jinka, haddiiba uu arko ama dareemo...!!.

Ninkii ayaa galay Teendhadii, ka-dibna iska seexday, laakin markii ay saqdii dhexe ahayd ayuu u baahday Suuliga(musqul),si uu u soo fududeysto. Suuliyada Xeradaasna waxay ku yaalleen meel ilaa xad ka fog Teendhooyinka.

Ninkii dhallinyarada ahaa, ayaa markii uu ka soo laabtay dhanka Suuliga, ka-ambaday(marin-habaabay) Teendhadii. Wuxuu si qalad ah u galay Teendho kale oo ay dhex-hurdeen Qoys ka koobnaa:Nin, Naagtiis iyo Caruurtood.

Ninkii ayaa markii uu indhaha saaray Qoyska hurda, mooday inay yihiin Jinkii la sheegayay, oo u soo daba-maray Teendhada. Wuxuuna isagoo baqaya, oo gariiraya bilaabay akhrinta Aayatul-kursi oo cod dheer ah...!!.

Qoyskii iska hurday ayaa ku soo wada toosay ninka ku dul akhrinaya Aayatul-kursiga. Waxay moodeen inuu yahay Tuug,iyagana ku qaldaya Quraanka uu akhrinayo..!!.

Qoyskii ayaa ulo iyo faasas la soo booday, oo gacantana ku dhigay ninkii dhalinyarada ahaa. Waxayna isla beegsadeen dhanka Saldhiggii Booliska ee Xerada, halkaas ayaana lagu kala baxay,walow Booliskii Xarada naftoodu uu qosolkii ka dhamaaday....!!.

WD/Muxyaddiin M.Kaalmoy.
kalmoi@hotmail.com